Madaxweyne Deni oo ka hadlay qaraxii lagula eegtay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qarax maanta kolonyo uu la socday lagula eegtay meel u dhow magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso”.

“Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo” ayuu ku daray.

Wuxuuna ku soo gabagabeeyay “Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo”

Marka laga yimaado qoraalka madaxweynaha, Puntlland weli kama hadlin qaraxa khasaaraha dhaliyay ee lala eegtay wafdiga madaxweynaha.

Kooxda Al-shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ah kii ugu horreeyay ee taariikhda Puntland lala beegsado kolonyo madaxweynaha la socota.

PUNTLND POST