Golaha Wasiirada oo ka horyimid ciidamadii la geeyay Beledweyne

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii.

War-saxaafedeed ka soo baxay shir ay maanta yeesheen Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu faray wasiirada iyo taliyeyaasha amniga in aan ciidammada qaranka loo isticmaalin, laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda, laguna koobo shaqadooda ah sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa arrinta Beledweyne u magacaabay guddi wasiiro ah oo kala ah:

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
  • Md Cabdulaahi Maxamed Nuur  Wasiirka Amniga Gudaha
  • Md Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
  • Md Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
  • Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
  • Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka daawo Al-Cadaala oo faahfaahinaya shirka Golaha Wasiiradda.

PUNTLAND POST