Wararkii u dambeeyay ee shan kursi oo Todobaadkan lagu dooranayo Garoowe

Shan kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Todobaadkan lagu doorto Caasimadda Garoowe.

Haddaan si kooban uga hadalno kuraastaas iyo cidda la filayo in ay ku soo baxdo, inkastoo qaarkood weli muran xooggan ka jiro.

Kursiga kowaad Hop#128 ee Beesha Carab Saalax, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Garoowe, waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed, waxaana la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Dhamuuje)

Kursiga labaad Hop#144 ee Beesha Reer Biciidyahan(Majeerteen), lagana soo doorto Gobolka Mudug/ Cagaaran, waxa ku fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed, waxaana la filayaa in uu ku soo baxo Wasiirka Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kursiga saddexaad Hop#223 ee Beesha Awrtable, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, waxa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir, waxaana la saadaalinaya in uu ku soo baxo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni.

Kursiga Afraad Hop232 ee Beesha Leelkase lanaga soo doorto Gobolka Mudug/Galdogob, waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe, waxaana hadda loo saadaalinaya in ay ku soo baxdo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal.

Kursiga Shanaad Hop094 ee Beesha Dhulbahante, lagana soo doorto Gobolka Sool/ Dharkayn-geenyo, waxa ku fadhiyay Axmed Ismaaciil Shabeel, iyadoo haatan la filayo in ay ku soo baxdo Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali..

PUNTLAND POST