Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay wasiir Jamaal

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u jawaabay Wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay weerar afka ah ku qaaday Gavin Williamson oo ah xildhibaanka dooda qadiyadda Somaliland geeyay baarlamaanka UK.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya billowday weerar qaawan oo ay ku qaadayso xubnihii baarlamaanka UK ee u ololeeyay qadiyadda Somaliland, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata ka dhex abuuraysa Soomaalida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi ay maanta yeesheen golaha wasiirada Somaliland oo ay ku taageereen doodii baarlamaanka UK.


PUNTLAND POST