Gen. Xuud oo wadahadal la galay dowladda federaalka

Gen. Abuukar Warsame Xuud oo maleeshiyo beeleed ku haystay duleedka magaalada Beledweyne si weyna uga soo horjeeday dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa wadahadal galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Miltariga Soomaaliya Gen. Maxamad Tahliil Biixi iyo Gen. Xuud ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Beledweyne waxay uga wadahadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka gacan ka hadalka sababay ee muddooyinkii dambe ka taagnaa magaalada Beledweyne.

Gen. Xuud ayaa sheegay in xaq uu ka maqan yahay gobolka Hiiraan, hase ahaatee wixii hadda ka dambeeya ay wadahadal ku raadinayaan. Dhanka kale Gen. Biixi ayaa soo dhaweeyay in reer Beledweyne xaqa ka maqan ku raadsadaan wadahadal.

PUNTLAND POST