Faroole oo Puntland dib u qeexay – Faallo

W.Q. X. F. Maxamuud

Senator Faroole iyo Puntland yaw garnaqi doona?

Waa maxay Puntland? Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo dhowaan khudbad jeediyay ayaa ku dooday in Puntland ay bannaanka ka taagan tahay dowladda federaalka. Faroole dib ayuu u qeexay Puntland. Sidaas darteed waa la isa su’aali karaa haddii asaasayaashii Puntland oo Faroole inuu ka mid ahaa sheegto, isu beddeleen dumiyayaasha Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan , Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Duulista iyo Garoomada Duraan Faarax, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiirla Arimaha Dibada Cabdisiciid Muuse waa mas’uuliyiin ka soo jeeda Puntland.

Miyuu Faroole illoobay magacyada wasiirradan mise dhirif siyaasadeed baa isaga ka awoodbadiyay? Waa suurtogal in Senator Faroole hadalkiisu yahay farriin ku saabsan sida uu arko Puntland: maamul kooxo ku adeegtaan, si sharci darro ah uga tabcadaan, dhallinyarada fursadaha nololeed ku yareeyaan.

Ma dowladda federaalka ayaa lacag soo daabacday oo laba sarrif Puntland ka hirgelisay? Ma dowladda federaalka ayaa dekedda Boosaaso heshiis sharci-darro ah DP World kula gashay? Habka federaalka uu Faroole amaanayo kama hirgelin Puntland. Puntland way u qareentaa habka federaalka hase ahaatee way ka hor istaagtaa dadka Puntland ku nool inay arkaan maamul daadejin soo afjarta talada ku urursan Garoowe.

Wax la qaadan karo ma aha in siyaasiyiinta Puntland qaarkood ku afgobaadsadaan federaalisam iyagoo si kasta ula dagaallamaya fikrada ka soo horjeeda hagbad siyaasadeedka hagaasisay maamulka dhowr iyo labaatan jirka. Armuu Faroole inaannu jiifka ka toosno oo la xisaabtanno siyaasiyiinta nagu baraarujinayaa markuu macnaha Puntland ku soo koobo meesha uu ku sugan yahay?

X. F. Maxamuud