Cumar Cabdirashiid: “Qayb kama ahayn bayaanka siyaasiyiinta ee xiisadda Boosaaso”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa beeniyay in uu ka mid ahaa siyaasiyiin bayaan ka soo saaray go’aanka isimada ee xiisadda Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in aan lagala tashan bayaanka siyaasiyiinta, sidoo kale uusan qayb ka ahayn hadalada uu xambaarsan yahay.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Wuxuuna intaas ku daray “Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah”.

PUNTLAND POST