Madaxweyne Farmaajo oo amar ka soo saaray lacagta laga qabtay Imaaraadka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaano ayaa amray in aan qasnadda dowladda laga bixin karin lacagtii 2018 laga qabtay Imaaraadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqad uu u diray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amray in aan go’aan hal mas’uul gaaray lagu bixin karin lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in lacagtaas oo dhan 9.6 milyan doolar, dalka ku soo gashay sifo sharci darro ah.

Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa jawaab u ah hadalkii maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sheegay in dowladda Imaaraadka loo celin doono lacagtii laga qabtay April 2018.

PUNTLAND POST