Axmed Madoobe oo taageeray raaligelinta uu Rooble siiyay Imaaraadka

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kulan la qaatay Maxamed Axmed Cismaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay raali-gelin uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble siiyay dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirtay lacag 2018 looga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahadceliyay gurmadka ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST