
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Xasan Xuseen Xaaji oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.
PUNTLAND POST