Puntland: Doorashada kuraas qaarkood xasaasi yihiin oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland ayaa shaaciyay doorashada 10 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed (SEIT Puntland) oo fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada doorashada 10 kursi oo kamid ah 37-da kursi ee ku asteysan dawladda Puntland”.

Guddigu wuxuu sheegay in uu dib ka soo sheegi doono jadwalka kala horreynta kuraasta la shaaciyay.

Kuraasta la shaaciyay waxaa qaar ka mid ah hadda ku fadhiya Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan oo laga soo doorto Sool iyo Cali Yuusuf Cali Xoosh oo laga soo doorto Nugaal, waana kuraas si weyn isha loogu hayo cidda ku soo bixi doonta.

10 kursi ayaa lambaradoodu kala yihiin HOP#196, HOP#166, HOP#128, HOP#200, HOP#235, HOP#223, HOP#249, HOP#232, HOP#094 iyo HOP#144.

PUNTLAND POST