Doorashada Golaha Shacabka: Kuraas doorashadooda dib loogu noqonayo iyo habraacii siyaasiyiinta Somaliland oo la laalay

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeed uu soo saaray guddigu oo warbaahinta u akhriyay afhayeenka guud ee doorashooyinka Amb. Axmed Safiina ayaa lagu sheegay in baaritaan uu sameeyay guddigu ay ka soo baxday in doorashada kuraastaas aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyeyn.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ay jiraan kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan Guddiga Khilaafaadka, iyaga go’aankooda la sugayo.

Kuraasta la go’aamiyay in doorashadooda dib loogu noqdo waxaa ka mid ah kursiga sumadiisu tahay Hop154 oo horey ugu fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari.

Dhanka kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay sheegeen in aan lagu dhaqmi karin habraacii doorashada Somaliland ee ay ku heshiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee ay ku go’aamiyeen in dib loogu noqdo doorashada labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo dhawaan lagu doortay Baydhabo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in ay iyagana waajibaadkooda u gutaan si caddaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.

PUNTLAND POST