Waa kuma xiddiga sanadkan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or?

Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda PSG, Lionel Messi ayaa markii todobaad( 7) ku guuleystay abaalmarinta (Ballon d’Or) ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadkan.

Messi ayaa abaamarintan ku garaacday weeraryahanka Bayern Munich, Robert Lewandowski iyo xiddiga kooxda Chelsea  Jorginho, wuxuuna noqday xiddiga ugu guuleysiga badan abaalmarinta Ballon d’Or.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay kadib markii uu xulkiisa Argentina sanadkan ku hoggaamiyay Copa America.

Messi oo 34 jir ah ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ku guuleystay sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019 iyo sanadkan 2021.

PUNTLAND POST