Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qatar

Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa halkaas soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Qatar iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaas Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa berri ka qeyb-galaya furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, sidoo kale inta uu joogo Dooxa wuxuu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda ka qeybgalaysa munaasabadaas.

Booqashadan waxaa Madaxweyne Farmaajo ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

PUNTLAND POST