Maxay ka wadahadleen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Ra’iisul Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaas oo looga hadlay daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyay walaaca ay qabaan daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ballan-qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii wadajir looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisil wasaaruhu kulan fogaan arag ah la yeelan doono guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal, kaas oo looga hadlayo daahfurnaanta doorashada, uuna la xisaabtamayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.

Dhanka kale Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ka war sugayaan ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kulanka Gollaha Wadatashiga Qaranka.

PUNTLAND POST