Madaxweyne Deni oo si dadban uga hadlay xiisadda dowladda iyo PSF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dadban uga hadlay xiisadda u dhexaysa dowladda uu hoggaamiyo iyo ciidamada PSF.

Madaxweyne Deni oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday Garowe ayaa yiri “mar haddii qofku soo galo gacanta dowladda sulux waa dhammaaday, maxaa yeelay haddaan gorgortan ka galno sharciga, marka dambana waxaan gorgortan ka gelaynaa dowladnimada”.

Madaxweyne Deni wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo amniga la xiriirtay oo hadda ka hor ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo markii dambe laga qaaday tallaabo ciidan.

“…..In ay Gaalkacyo maanta ammaan hesho oo is beddel ku dhaco waxaa saldhig u ahaa markii dowladdu tallaabo ka qaaday kuwii sharciga ku xadgudbay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Muuqaal: Hadalka Madaxweyne Deni

Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa dowladda Puntland iyo hoggaanka ciidanka PSF, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan.

Xiisadda ayaa ka dhalatay markii dhawaan uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilkii ka qaaday agaasimihii hay’adda PSF, uuna magacaabay agaasime cusub.

PUNTLAND POST