Madaxweyne Farmaajo oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere).

Wareegtada magacaabista ayaa lagu sheegay in Prof. Maxamed Dheere uu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, uuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Prof. Maxamed Dheere ayaa beddelay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

PUNTLAND POST