Taliyaha NISA oo loo doortay xildhibaan

Kusimaha Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tisan Golaha Shacabka, kadib doorashada natiijadeeda la sii ogaa oo ka dhacday Dhuusamareeb .

Yaasiin Farey waxaa la tartamay Maxamed Cali Culusow, kadib markii tartanka ay isaga hareen saddex musharrax oo kale oo tartanka ka qeybgeli lahaa, waxaana wareegii kowaad 68 cod ku guuleystay Yaasiin Farey.

Kursiga Yaasiin Farey loo doortay oo sumadiisu tahay HOP#O67 waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa muran xoogan, kadib markii qaar kamid ah musharaxiintu ay sheegeen in ergada laga soo daabulay magaalada Muqdisho oo uu keensaday Yaasiin Farey.

Kursigan waxaa labaatankii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay ganacsade Caddow Cali Gees oo ka haray tartanka.

PUNTLAND POST