Siibed: Shacabka Puntland ma qaadanayo in xasilloonida lagu beddesho dhibca kala qaadasho siyaasadeed

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in la soo celiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Siibed wuxuu tilmaamay in shacabka Puntland aysan qaadanayn in nabadda iyo xasilloonida lagu beddesho dhibca kala qaadasho loolan siyaasadeed.

Siibed wuxuu sheegay in horay magaalada Boosaaso arrimo siyaasadeed loogu curyaamiyay, haddana ay ka jirto saan saan colaadeed.

Baaq uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaa muuqata in magaalada Boosaaso oo arrimo siyaasadeed awgeed horay loogu curyaamiyay maantayna ay ka jirto saan saan colaadeed. Shacabka Puntland ma qaadanayo in nabada iyo xasilloonida Puntland lagu beddesho dhibca kala qaadasho loolan siyaasadeed”.

“Rag gogoshii waa nabad, sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa in la soo celiyo xasilloonida magaalada Boosaaso oo ah isha dakhliga dowladda Puntland” ayuu ku daray xidhibaan Siibed.

PUNTLAND POST