Madaxweyne Deni oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta taliye iyo taliye ku xigeen cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Cayn.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa u magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Cayn G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil, waxaana xilkaas laga qaaday Jaamac Saxardiid Barre oo sanadkii hore uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed u magacaabay taliye ku xigeenka qaybta Booliiska gobolka Cayn.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista

Garoowe: 25 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 46 ee November 25, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda
Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
  2. Waxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST