Doorashada Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo goor dhow ka bilaabanaysa Dhuusamareeb

Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney soo gabagabeeyeen diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta shan ka mid ah Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Hoose, hayeesha maanta la qabanayo laba kursi oo ay soo hormariyeen doorashadooda.

Kuraasta goordhaw la filayo in doorashadooda bilaabato ayaa kala ah tirsigooda HOP 26 iyo HOP 104, kursiga koowaad ee HOP 26 waxaa horay igu fadhiyay Xildhibaanada lagu magacaabo Ikraan Aadan Absuge, kursiga labaad ee HOP 104, isna waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

PUNTLAND POST