Soomaaliya oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo, taasoo ka dhalatay abaaraha sii baahaya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha ayaa yiri “waxaan ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad degdeg ah oo bini’aadanimo, loona baahan yahay gurmad degdeg ah gudaha iyo dibadaba”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyabaha kala ee shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah uga qeybqaataan taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

PUNTLAND POST