Duufaan laga cabsi qabo in ay ku dhufato gobolo ka tirsan Puntland

Duufaan cusub ayaa laga cabsi qabaa in ay 24 saac ee soo socda ku dhufato qeybo ka mid ah gobolada Bari ee Puntland, sida ay sheegtay hay’adda Soomaaliya u qaabilsan ka digista halis-wadareedka.

Duufaantan oo ka soo kacaysa badwaynta Hindiya ayaa la saadaalinayaa in ay ku dhufato Caluula, Xaafuun, Iskushuban iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal.

Deeganno ka tirsan Puntland ayaa hadaba la daalaa dhacaya waxyeelo ay u geysteen duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020.

PUNTLAND POST