Taliyaha NISA oo loo diiwaangeliyay musharax xildhibaan

Guddiga doorashooyinka heer Galmudug ayaa maanta musharax xildhibaan Golaha Shacabka u diiwaangeliyay Ku-simaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Yaasiin Farey ayaa u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP#067 oo ah kan ugu hadal haynta baban 5 kursi ee maalmaha soo socda doorashadooda lagu qaban doona Dhuusamareeb, waxaana kursigan horay ugu fadhiyay Caddow Cali Gees.

Yaasiin Farey yaa shalay laga beri-yeelay kiiska Ikraan Tahliil oo ay ku eedeysnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda NISA.

Qodob ka mid ah shuruuhada musharaxiinta Golaha Shacabka wuxuu dhigayaa saraakiisha ciidamada in aysan tartami karin, haddii aysan iscasilin saddex todobaad ka hor.

PUNTLAND POST