Fahad, Farey iyo Kulane oo laga beri-yeelay kiiska Ikraan Tahliil

Guddiga baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in aysan hayn haba yaraatee wax caddayn ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan ku maqan tahay gacmaha saraakiisha hay’adda NISA.

Xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Cabdullaahi Buule Kamey oo ka soo muuqday warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay baaris ku sameeyeen Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Ku-simaha Taliyaha NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey iyo madaxii hore ee shaqada iyo shaqaalaha NISA Cabdillaahi Kulane, kuwaas oo xiligii kiisku dhacay mas’uul ka ahaa hay’adda NISA laguna eedeeyay dilka Ikraan.

Sidoo kale Gen. Kamey wuxuu tilmaamay in ay baareen saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo magacyadooda uu ku sheegay Wadna-qabad iyo Asma oo iyagana lagu eedeeyay kiiska Ikraan, waxa kale oo uu sheegay in ay baareen kaamirooyinka NISA iyo xafiiska laga hago.

Xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in hay’adda NISA ay la shaqaysay guddiga baarista kiiska Ikraan, ayna ka caawiyeen dhinac kasta oo baarisa.

Ugu dambeyn Gen. Kamey ayaa sheegay in guddiga baarista uu la wareegay gal-baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-shabaab.

Hoos ka daawo muuqaalka Xeer-ilaaliyaha

PUNTLAND POST