Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday mas’uul eedeyn u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa maalin ka hor qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii iyo shaqadii hay’addaas ay si sharci-darro ah ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa hay’adaas si kumeel gaar ah ugu magacaabay guddoomiye ku xigeenkii Cabdirisaaq Maxmed Xayir oo isagu ka horyimid eedeynta guddoomiyaha.

PUNTLAND POST