Soomaaliya oo dib ula soo wareegtay hay’adaha FSNAU iyo SWALIM

Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula soo wareegtay mas’uuliyadda hay’adda falanqeynta sugnaanta cuntada iyo nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada (FAO) ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto maamulka hay’adaha FSNAU iyo SWALIM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka muddo dheer kadib maamulka labadan hay’adood dib ugu soo laabtay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

PUNTLAND POST