Taalibaan oo beddeshay wasaaraddii Haweenka

Hoggaamiyaasha Taalibaan

Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa si rasmiya u xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha.

Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso Wasaaradda Wacyigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.

Taalibaan ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii wasaaradda waxbarashada ee ay maamusho Taalibaan ayaa lagu yiri ” Dhammaan macallimiinta iyo ardayda waa inay tagaan xarumahooda waxbarasho.”

PUNTLAND POST