Senator caawa lagu doortay Jowhar

Doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa caawa ka dhacday magaalada Jowhar.

Kursigan oo hore cabasho uga timid ayaa waxaa ku guuleystay Xasan Iidow Maxamuud (Xasan Kobac) waxaana kula tartamay Cabdinuur Farey kadib markii uu tanaasulay Cismaan Axmed Macow oo hore ugu fadhiyay kursigan.

Xasan Kobac oo ah ganacsade ayaa wareeggii kowaad ee doorashada helay 69, halka Cabdinuur Farey uu helay 22 cod.

Xasan Iidow Muxumed (Xasan Kobac) ayaa noqday senator-kii 6-aad ee Aqalka Sare ee ka soo baxa dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle waxaa ka harsan labo kursi oo lagu wado in maalmaha soo socda la doorto.

PUNTLAND POST