Garoonka diyaaradaha Buulo-barde oo markale la burburiyay

Qarax miino ayaa markale xalay lagu burburiyay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan, oo dhawaan ka soo kabtay burburkii sanadkii hore loo geystay.

Qaraxa oo lagu xiray gudaha garoonka ayaa warar waxay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qof, sidoo kale waxaa burbur xoogan soo gaaray qeybo ay ka mid yihiin dhismahii xafiisyada garoonka.

Sawirro laga soo qaaday gudaha garoonka laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka soo gaaray qeybaha garoonka diyaaraha Buulo-barde.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu burburiyay garoonka Buulo-barde oo ay isticmaalaan ciidmada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Bishii Jun 2020 ayaa sidoo oo kale qarax lagu burburiyay garoonka diyaaradaha Buulo-barde.

PUNTLAND POST