Hirshabeelle: Doorashadii Aqalka Sare oo buuq iyo gacan-qaad ku dhamaatay

Doorashadii Aqalka Sare ee caawa ka socotay magaalada Jowhar ayaa lagu kala tagay markii buuq iyo gacan-qaad ka dhacay hoolka doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa buuqa iyo gacan-qaadka bilaabay xili ay dhamaatay cod tirinta wareegga koowaad ee doorashada kursiga lixaad Aqalka Sare oo ay ku tartamayeen 5 musharax oo beesha Xawaadle ka soo jeeda oo mid ka mid ah tanaasulay.

Doorashada oo ahayd mid toos loo daawanayay ayaa markii dambe lagu kala tagay, mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay guddiga doorashada iyo guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.

Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale xili habeen ah ay isu gacan-qaadeen guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo isku qabtay doorashada Aqalka Sare.

Saddex xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa caawa qorshuhu ahaa in la doorto, hase ahaatee waxaa doorashadiisu si caadi ah ku dhamaatay hal kursi oo ku guuleystay Axmed Maxamed Cali Afcadeey.

Afcadeey oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa wareeggii 2-aad ee doorashada 52 cod kaga guuleystay xildhibaankii hore kursiga ugu fadhiyay Maxamed Amiin oo helay 44 cod.

Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka duwan doorashooyinkii kale dowlad goboleedyada, waana mid adag oo ay cod ku kala baxayaan musharaxiin kala aragti duwan.

PUNTLAND POST