Golaha Amaanka oo war ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka ka dhex-taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo saameeynta uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada.

Xubnaha Golaha Amaanka oo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ayaa qoraal ay goordhweyd soo saareen ugu baaqay dhinacyada in ay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal, ayna muhiimada siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku booriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in khilaaf kasta oo siyaasadeed uusan ka weecin la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah. 

Ugu dambeyn Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen inay xurmad u hayaan madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST