Jabuuti oo beenisay in ay xanibtay Fahad Yaasiin

Dowladda Jabuuti ayaaa beenisay in ay xanibtay diyaarad uu saarnaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir La-taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Waxaa jira warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada oo isku dayaya inay abuuraan jaahwareer iyo inay Jabuuti u jiidaan caqabadaha gudaha Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonnaa inaan garab istaagno walaalaheenna Soomaaliya laakiin marnaba ma faragelinno arrimahooda gudaha”.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa yiri “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta Muqdisho u socotay waxay ku noqon doontaan Istmbul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.”

Wasiirka ayaa sheegay in duulimaadku u baaqday cilad farmo oo diyaarada ku timid “Duulimaadkii maanta ee diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho ku sii jeeday ayaan ka soo kicin Jabuuti sababo la xiriira cilado farsamo sida ay shirkaddu sheegtay” ayuu Twitter-ka ku yiri.

Hadalka ka soo baxay Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyadoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaaashi uu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo la socotay.

PUNTLAND POST