
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaala Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga ee internet-ka shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Per Olsson Fridh ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Per Lindgarde oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.



PUNTLAND POST