
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaasbade) iyo Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka mid ahaa xildhibaanadii Aqalka Sare ee dhawaan lagu doortay Baydhabo ayaa hadalo is khilaafsan oo ku saabsan dhacdo la sheegay in ay ka dhacday Baydhabo ka sheegay baraha bulshada.
Wasiir Xaniifa ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku eedeysay in uu ciidan ku weeraray hooyadeed, sababtuna ay tahay kala aragtida duwanaanshaha siyaasadda.
“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasadda ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan ka tirsan Nabadsugida Southwest tagaan, si ay u soo xiraan bilaa sabab, sidoo kale habaryertay qori lugu qabtay dilna loogu hanjabay” ayay tiri wasiir Xaniifa Xaabsade.
“Madaxwayne Cabdicasiis ayaa toos mas’uuliyadaas u qaadaya wixii meeshaa ka dhaca” ayay sii raacisay
Dhanla kale walaalkeed Senator Cabdiweli Xaabsade ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Wuxuuna yiri “Waxaan umadda Soomaaliyeed ee samaha jecel islamarkaasna isoo wacayey u xaqiijinayaa anigoo ku hadlayo magaca eeer Maxamed Ibraahim Xaabsade in aysan jirin wax weerar ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu ku qaadey qoyska reer Xabsade”.
“Waxaan ka cudur daaranayaa raaligalina ka bixinayaa hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeerey Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, kaas oo u muuqday mid aan laga fiirsan oo aan xanbaarsanayn mas’uuliyad” ayuu raaciyay.
Wasiir Xaniifa iyo Senator Cabdiweli ayaa waxaa dhalay Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca dheeraa Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST