Rooble oo ka horyimid guddigii uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhweyd war-saxaafedeed uu soo saaray ku sheegay in ay sharci darro tahay galdacwadeed maxkamad horyaalla oo loo magacaabo guddi baaris.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan sax ahayn hay’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo haysto ay kamid noqdaan baarayaasha kiiska loo hayso.

Rooble ayaa faray taliyayaasha ciidamada qalabka sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

PUNTLAND POST