
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maray dhaarinta wasiirka cusub ee amniga.
Qoraal uu Baarlamaanku u diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Mudane Ra’iisul Waasare sida aad la socoto xubnaha Golaha wasiiradda ee lagu hor-dhaariyo Golaah Shacabka ma han keliya dhaarin ee waxay isugu jirtaa ansixin iyo dhaarin, si xubnaha ay xilalkooda xafiiis rasmi ahaan u bilaabaan”.
“Sida muuqata xubin ka mid ah golaha fulinta ayaa magacowday, ansixisay, islamarkaana dhaarisay, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta hay’adaha dowladda ee sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka iyo sidoo kale qodobada dastuuriga ah ee 96-aad, 100-aad iyo 104-aad ee ku saabsan dhaar marinta xubnaha golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayaa qoraalka Baarlamaanka la raaciyay.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Baarlamaanka 10-aad awoodiisa dastuuriga ah ay u dhameystiran tahay, maadaama uusan jirin firaaq baarlamaani ah.
Waxaana qoraalka Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyay “Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kaa codsaneynaa in arrimahan aad si qoto-dheer uga baaraan degto, adigoo mudnaanta siinaya xasilloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidhaam dowladeedka ee dalkeena u baahan yahay oo maraya marxalad xasaasiya”.
Warka ka soo baxay Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.


PUNTLAND POST