Farmaajo oo la kulmay xulka Haylaan ee horyaalka kubbadda cagta Puntland

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxrooyada ee Villa Somalia munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey xulka Haylaan ee dhawaan ku guulaystay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo oo ciyaartoyda Haylaan ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada, maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda.

Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galay wasiirrada wasaaradaha, dhallinyarada iyo isboortiga Xamsa Siciid Xamsa, qorshaynta Jamaal Maxamed Cismaan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xulka kubbadda cagta Haylaan ee Puntland ayaa muddo tododbaadka ka badan ku sugan magaalada Muqdisho, haalkaas oo ku casumay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Cismaan.

PUNTLAND POST