Garowe: Islaan Ciise oo go’aamiyay nabad laga qaato colaada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye


Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa isla qaatay in ay dhankooda nabad ka qaataan colaada ka taagan deegaanada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo maanta kulan la qaatay nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku go’aamiyay in ay dhankooda nabad taaqaan oo ciidanka iyo hantida ka soo saaraan deegaannada colaadu ka dhacdayn, waxaana go’aankaas la qaatay nabadoonnada iyo waxgaradka kale.

Sidoo kale Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa garabka kale iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay iyaguna nabada la qaataan.

Hoos ka eeg muuqaalada waxgaradka Nugaal.

PUNTLAND POST