C. Ronaldo oo ku laabanaya Manchester United

Manchester United ayaa xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu si cajiib ah ugu soo laaban doono Old Trafford ka dib markii ay Juventus kala heshiiyeen qiimaha xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Ronaldo oo 36 jir ah ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis labo sano ah oo ku xiran in la siiyo fiisooyin iyo inuu maro tijaabada caafimaadka, iyadoo United ay ogolaatay inay siiso kooxda reer Talyaani ee Juventuus lacag dhan 28 milyan oo Euro.

Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu Manchester United u saftay ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009-kii.

Ku dhawaaqista United ayaa timid, iyadoo 24 saacadood ee la soo dhaafay la hadal hayay in deriskeeda Manchester City ay mid ka mid tahay kooxaha ugu cadcad soo xerogelinta ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa doortay inuu ku laabto United, halkaas oo uu ku qaatay lix sano, wuxuuna kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, hal Champions League, labo League Cup iyo hal FA Cup, iyo sidoo kale Fifa Club World Cup iyo Community Shield, waxaana xiligaas United hogaaminayay Sir Alex Ferguson.

PUNTLAND POST