Siyaasiyiinta Waqooyi oo ka horyimid qaar ka mid ah habraacyada doorashada

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

Qoraal maanta ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xusay in guddiga doorashada Somaliland uu leeyagay labo guddoon, iyadoo aan la mideyna aysan dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka.

Waxay tilmaameen in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uusan xaq u la hayn in uu maamulo kuraasta Somaliand iyo Banaadiriga, si ka duwan sida uu maamulo doorashada guud ee dalka.

Dhanka kale siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay in doorashadan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyay gobolada Waqooyi habraacii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaaristeeda loo daaayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee labada garab noqday.

PUNTLAND POST