Wasiirkii hore waxbarashada Puntland oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Prof. Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa goordhaweyd ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayay.

Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa wasiirka waxbarashada Puntland ahaa intii u dhaxaysay 2015-2018.

PUNTLAND POST