Tartanka ciyaaraha Puntland oo maamulkiisa lagu wareejiyay Federaalka



Tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay uu hareeyay muran iyo is-qabqabsi, ayaa hadda maamulkiisa waxaa lagu wareejiyay Xiriirka Kubbadda Soomaaliya.

Tartanka in lagu wareejiyo heer federaal waxaa sababay markii kala diray xiriirkii kubbadda cagta Puntland oo lagu eedeeyay wax isdabamarin, loona baahday cid maamusha inta ka hartay.

Kulankii muranku ka dhashay ee Nugaal iyo Sanaag oo horey loo go’aamiyay in lagu celiyo ayaa galabta la ciyaaray, waxaana 3-2 guushu ku raacday xulka gobolka Nugaal oo u baxay afar dhamaadka tarkanka.

Injinreerka, Toomaas iyo Bile ayaa ahaa ciyaartoydii xulkooda Nugaal ka caawiyay inay u gudbaan wareega afar dhamaadka, iyagoo kala dhaliyay saddexda gool.

Baxwal Jirde oo ah kabtanka Sanaag ahna ciyaaryahanka ugu saameynta badan tartanka ayaa isaguna labada gool u dhaliyay xulkiisa, waana gool-dhaliyaha tartanka ee saddex kulan dhaliyay 7 gool.

Dhanka kale, kulan kale oo galabta dhexmaray xulalka Bari iyo Sool ayaa ku dhamaaday 4-3 oo ay guushu ku gaacday xulka gobolka Bari.

Waxaan weli la hubin Haylaan oo kulan u harsan yahay 6 dhibcoodna leh iyo Bari oo leh 7 dhibcood kan u soo bixi doona afar dhamaadka oo soo raaci Nugaal, Mudug iyo Ceyn oo xaqiiqsatay ka soo bixitaanka heerka bug-baxa ama guruubyada.

PUNTLAND POST