Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka dhacday doorashada 3 kursi oo ka mid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa 8-da kursi ee Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga 1-aad waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo helay 74 cod, halka musharixii la tartamayay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Kursiga 2-aad waxaa ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Kursiga ugu dambeeya 8-mudane Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed waxaa ku guuleystey Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo helay 68 cod, halka Musharixii la tartamey Cabdullahi Roobow Maxamed uu helay 18, waxaana xaaday 2 cod.
Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Puntland oo hal maalin dhameyatirtay doorashada Aqalka Sare.
PUNTLAND POST