Qoorqoor oo soo saaray liiska tartamayaasha Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo saaray 12 musharax oo u tartami doona 6 kursi oo ka mid ah 8-da kursi ee Galmudug ku matala Aqalka Sare.

Liiska waxaa ka soo muuqday 3 xubnood oo ka mid ah Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas oo kala ah Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u dhigay 2 kursi oo muran iyo loolan adag ka jiro, waxaana mid ka mid ah isku haya Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa, waana kursigii uu ku fadhiyay Cabdiwaaxid Goonjeex, halka kursiga kale ay isku haystaan Cabdi-qeybdiid oo horey ugu fadhiyay iyo Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Liiska waxaa laga saaray Abshir Bukhaari guddoomiye ku xugeenka Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday.

PUNTLAND POST