Rooble iyo Uhuru Kenyatta oo kulan ku yeeshay Mombasa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta oo halkaas shaqo u joogay.

Ma jiro war wadajir ah oo ka soo baxay kulanka labada mas’uul, hase ahaatee warar hoose waxay sheegayaan in ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga qaadka Kenya ee Miraa oo dowladda Soomaaliya ay horay u joojisay markii uu xumaaday xiriirka labada dal, tallaabadaas oo Kenya aad u saameysay.

Dhanka kale war ka soo baxay madaxtooyada Kenya waxaa lagu sheegay in wufuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay kulan ku yeesheen madaxtooyada Mombasa, kaas oo looga hadlay dhowr arrimood oo ugu muhiimsan tahay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Warka madaxtooyada Kenya waxaa lagu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2015 guddiga JCC, kaas oo muhiimadiisu ahayd iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Ma jiro war weli ka soo baxay dhanka Soomaaliya, hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta markii ay Muqdisho ka duulayeen sheegay in Soomaaliya iyo Kenya aysan ka wadahadleen arrinta badda oo dacwadeedu taallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Balse wuxuu sheegay in labada dal ay ka wadahadli doonaan soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Mombasa ka aadi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku leeyahay kulamo kale oo ay ka mid yihiin kulan uu la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliya ee Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo maalin ka hor timid Muqdisho ayaa Ra’iisul Waase Rooble u keentay casumaad uu u soo diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

PUNTLAND POST