Murashax Yaasmiin A. Salaad: Anigu Qaran-Doon baan ahay


Waxaa xafiiska Puntland Post la soo xiriirtay murashax Xildhibaan Yaasmiin Axmed Salaad oo ku sugan magaallada London ee dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Murashaxa ayaa markii hore bogaadin iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland u dirtay guud ahaan shacabka, madax-lweynaha iyo xukuumadda Puntland, waxayna u rajaysay iyadoo Alle uga baryeysa inay gaaraan guul iyo horumar dhan kasta ah.

Marwo Yaasmiin ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimadooda, iyo nabadda uu Eebbe siiyay ayna garab istaagaan madaxweynaha iyo xukuumadooda siiba xiiligan adag ee jaha-wareerka siyaasadeed lagu jiro.

Yaasmiin ayaa waxay baaq nabadeed u dirtay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-Maygaag iyo agagaarkiisa iyadoo ka codsanayasa in si degdeg ah ay dagaalka u joojiyaan, waxayna dowladda Puntland, odayaasha iyo wax-garadka bulshada ugu baaqday inay gacan ka geystaan qaboojinta iyo nabadeynta colaaddaas.

Murashax Yaasmiin ayaa intii muddo ahaydba ku nooleyd dalkaas kana mid ahayd dadka u adeega danta guud ee mujtamaca qurbo joogta ah ee dalkaas ku dhaqan. Murashax Yaasmiin ayaa sidooo kale ahayd qof dadaal badan ku bixisay inay hooyooyin, dhallin-yaro iyo qoysas Soomaaliyeed ka caawiso talooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhaqanka dalkaas.

Sidaas oo kale Murashax Xildhibaan, Yaasmiin, waxay kaalin mug leh ka qaadatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Boocame iyo deegaannada balaaran ee hoose yimaada. Waxaa iyana xusid mudan in sanadkii 2016kii ay odayaasha iyo wax-garadka deegaannadaas ay guddoonsiiyeen abaal marin ay ku mudatay kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay hawlihii lagu horumarinayay mujtamaca. Hasa yeeshee, murashaxa ayaa hadda waxay isu soo taagtay inay u tartanto inay ka mid noqoto xildhibaannada Soomaaliyeed iyadoo sida ay sheegtay rumaysan ujeeddadeeduna tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imaanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqanka ummadda leedahay.

Yaasmiin ayaa muujisay in haddii la doorto ay rajo weyn ka qabto inay dardar gelin ku samayn karayso, si wax ku ool ahna gacan weyn uga geysan karto in xildhibaannada cusub ay la yimaadaan wax-qabad iyo wax looga bedelayo habacsanaanta gashay qaranimmadii iyo dowladnimmadii Soomaaliyeed “…Anigu Qaran-Doon baan ahay, waxaana ii muuqda in qaranimmadeenii iyo karaammadii umadaba ay u baahanyihiin maanta xildhibaano wadaniyiin ah oo dib u soo nooleeya qaranimmada dadkooda iyo dalkooda!…” ayeey tiri Yaasmiin, waxayna iyadoo sii hadlaysa ku celcelisay inay aad ugu rajo weyntahay xildhibaannada soo socda ee barlamanka 11aad inaan lagu xaman doonin inay dalkooda gateen ama laaluush qaateen.

PUNTLAND POST