Axmed Madoobe oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee gudbiya musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee Jubaland u gudbiyay tartamayaasha qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gudbiyay 9 musharax oo mid ka mid ah haween tahay, kuwaas oo u tartamaya 4 kursi, waxayna kala yihiin.

1. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Axmed Maxamed Jamaamac.

2. Xaliimo Jaamac Maxamed
Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3. Ilyaas Badal Gaboose
Maxamed Axmed Sayid
Sharmaarke Maxamed Cabdi

4. Ibraahim Yacquub Ismaaciil
Iftin Xasan Iimaan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee soo gudbiyay liiska musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare.

Jubaland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST