Muxuu yahay u jeedada safarka Rooble ee London?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa London uga qeybgalaya shir caalamiga ah oo sare loogu qaadayo tayada waxbarashada caruurta, waxaana inta uu halkaas joogo la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sare u qaadista tayada waxbarashada carruurta”.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda iyo waxbarashada Maxamed Cabdirisaaq iyo Cabdullaahi Carab.

Shirka London ee waxbarshada caruurta oo dhici doona 28 iyo 29 bishan July, waxaa ka qeybgalaya madax kale oo Afrika ah oo ka mid yahay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

PUNTLAND POST