Arrimaha ay ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kala hadashay madaxweynaha Puntland


Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hoggaaminayso oo maanta soo gaaray Garowe ayaa kulan la qaatay madaxda Puntland.

Anita Kiki Gbeho waxay shir madaxtooyada Puntland kula qaadatay madaxweyne Deni, xigeenkiisa Axmed Karaash iyo qaar kamid golaha wasiiradda, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho waxay shir jaraa’id oo ay Garowe ku qabatay ku sheegtay in ay madaxweynaha Puntland ka wada hadleen in doorashadu ku qabsoonto waqtiga loogu talagalay, qoondada haweenka oo ah 30% iyo ka qaybgalinta dhallinyarada iyo dadka matalaadda siyaasadeed lagaga tiro-badan yahay.

“Waxaan Puntland ku imid martiqaad aan ka helay Madaxweynaha Puntland. muddo toban sano maan imanin Puntland. Waan arkaan isbeddelada ka dhacay Puntland oo ku yimid dadaalka dowladda iyo dadka Puntland. Ujeeddada safarkaygu waa inaan wadatashi la sameeyo dowladda Punland maadaama la isla qirsan yahay in Soomaaliya ay marayso marxalad taariikhi ah loona baahan yahay in doorashada la siiyo mudnaan kaddib heshiiskii ay madaxda Soomaalidu gaareen. Waxaannu ka wada hadalnay in doorashadu ku qabsoonto waqtiga loogu talagalay waayo doorasho la’aan Soomaaliya hore uma sii socon karto. Waxaan kale oo madaxweynaha kala hadlay qoondada haweenka oo ah 30% iyo ka qaybgalinta dhallinyarada iyo dadka matalaadda siyaasadeed lagaga tiro-badan yahay. Qaramada Midoobay waxay madaxda Soomaaliyeed ku aamanaysaa qaadashada go’aanno wadar-oggol ah waannuna garab-taagannahay Soomaaliya.” ayay tiri Anita Kiki Gbeho.

Dhanka kale Anita Kiki Gbeho ayaa kulan la qaadatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxayna kala hadashay doorashada Aqalka Sare ee dhawaan lagu wado in ay dhacdo.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa sidoo kale inta ay Garowe joogto kulamo la qaadan doonta qeybaha kala duwan ee bulshada.

PUNTLAND POST